Our projects

Afurinta Ramadaanka

Waa mashruuc lagu afuriyo dadka danyarta ah inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaa loola jeedaa miiska kheyrka ee lagu qadariyo dadka sooman ee aan heysan afur ku filan. Afurinta qof sooman waxay leedahay ajar weyn, waxaana mashruucan ka faa’iideysta hooyooyin, agoon, waayeel iyo masaakiin Soomaaliyeed.

“Qofkii afuriyo qof sooman, wuxuu leeyahay ajarkiisii isagoo aan waxba laga dhimin.” – Xadiis

Biyo Nadiif ah

Waa mashruuc lagu biyo siiyo bulshada Soomaaliyeed ee la tacaalaya haraadka iyo helitaanka biyo nadiif ah. Waxaa laga hirgeliyaa ceelal, haamo biyo lagu shubo, iyo gaarsiinta biyo meelaha abaartu ku dhufatay. Biyaha nadiifka ah waa nolol, waxaana lagu badbaadin karaa hooyooyin iyo carruur badan.

“Sadaqada ugu wanaagsan waa biyo la siiyo.” – Xadiis

Gargaarka agoonta

Waa mashruuc lagu taageero carruurta waalidkood waayey. Waxaan siinnaa raashin, dhar, waxbarasho iyo kalgacal si ay u helaan nolol xasiloon. Agoontu waxay mudan yihiin garab joogto ah.

“Aniga iyo kan agoonta daryeela waxay Jannada ku wada jiraan sida labada farood ee is dheer.” – Xadiis

Daryeel Caafimaad

Waa mashruuc hooyooyinka siinayaa daaweyn, baaritaanno, iyo adeeg caafimaad oo muhiim ah si bilaash ah. Hooyo caafimaad qabta waxay dhistaa bulsho caafimaad leh, isagoo bixiya indho fiiqis bilaash ah oo lagu sameeyo isbitaallo lagu kalsoon yahay.

Garab istaag Hooyo

Waa mashruuc loogu garab istaago hooyooyinka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka nololeed la daalaa dhacaya: hooyooyinkii laga dhintay, kuwa barakacayaasha ah, ama aan heysan cid u naxariisa. Waxaan siinaa gargaar maaliyadeed, raashin, iyo deeqo si ay u helaan nolol deggan.

“Qofkii ka fayda Muslim dhibaato ka mid ah dhibaatooyinka adduunka, Allah ayaa ka faydaya dhibaato ka mid ah dhibaatooyinka Maalinta Qiyaamaha” – Xadiis

Wacyigelin Hooyo

Waa barnaamij wacyigelin bulsho oo lagu kobcinayo fahamka qiimaha hooyada Soomaaliyeed. Waxaan ku qabannaa kulammo, siminaaro, baraha bulshada iyo fariimo toos ah oo la xiriira qadarin, naxariis iyo taageero hooyada mudan. Hooyo waa halbowlaha nolosha bulshada.

“Rabbi ha u naxariisto labadooda (hooyo iyo aabe) sidii ay iigu naxariisteen anigoo yar.” Quran– Xadiis